Ururka
Dadweynaha Adduunka
Waxa
hadda suuragal noqotay in la qabto
doorasho ay ka qayb qaataan dadweynaha
adduunku oo aan ku salaysnayn doorasho
dawladeed. Doorashadaas dadka kasoo baxa
oo si toos ah u metali doona dadweynaha
doortay sida jimciyadda qaramada midoobay
ay u metashu dawaladaha adduunka.Xataa
meelaha duruksan ee aan la gaari karin
waxa dadka degmooyinkaas deggani
dooran doonaan dad metala oo awood ule
in lagula xiriiro karo telefoon,telefoonka
gacanta amase radyaha la iskula hadlo
si ay u soo gudbiyaan rayiga dadkooda
una maqlaan rayiga dadweynaha caalamku
qabaan.
Ururkaasi
waxa markiiba uu yeelan doona awood aad
u badan xagga arrimaha bulshada iyo nolosha
saxa ah ee ku habboon bulshooyinka iyaga
oo aan quwad jebinayn dawlaadaha amase
aan si rasmi ah u ictiraafayn jiridooda.
Haddii ay metalayaasha adduunku isku afgartaan
arrin muhiim ah (sida joojinka isadoonsiga
ama joojinka cilmiga dhissida hubka sumaysan.)waxa
qasab ku noqon doonta dawladadahaasi in
la shaqey-yaan metalayaasha dadweynaha.
Dawladaha ka dhisan waddamada ay
aragtida dadku qabaan si weyn u
kala duwan tahay waxa ay si
gaar ah dawladahaasi xataa haddii
ay yihiin ku ugu xoogga badan adduunka
uga fiirsan doonaan wixi tallaabo ah ee
ay damcaan in ay qaadaan.
info@worldassembly.net
Home